Sida ay ku warantay WSJ, dalalka Khaliijka ayaa ka fiirsanaya iney jawaab milatari bixiyaan oo ay gudaha Ciraaq ku weeraraan maleeshiyaadka ay Iiraan taageerto ee halkaas ku sugan, iyagoo ka dheeraanaya iney si toosa u wajahaan Iiraan.
Intii uu socday dagaalku, waxaa la sheegay in Maleeshiyaadkani ay weeraro qarsoodi ah ku qaadeen dalalka Khaliijka gaar ahaan Sucuudiga, Baxreyn iyo Kuweyt, iyagoo bartilmaameedsaday goobo muhiima oo ay kamid yihiin Warshadaha Shidaalka iyo garoomada diyaaradaha.
Sucuudigu kaligii wuxuuu wajahay in kabadan 500 oo weerar oo uga yimid maleeshiyaadka Ciraaq ku sugan, waxayna meelaha ay duqeeyeen kamid ah warshada sifeynta saliida Sucuudiga ee ku taalay Yanbu, waxayna warbixintu waxay sheegtay in xataa markii heshiiska xabad joojinta la gaadhay ay Maleeshiyaadkaasi iyagu sii wadeen weeraradooda.
Mareykanka ayaa cidleeyay Safaaradiisii Dalka Ciraaq ee ku taalay Baqdaad, iyagoo ka cabsanaya weeraro dheeraada, xili Mareykanku uu ku eedeeyay Dowlada Ciraaq iney yeelan wayday awood ay ku joojiso Maleeshiyaadkaas.
Tirada maleeshiyaadka ay Iiraan taageerto ee ku sugan Ciraaq waxaa lagu qiyaasay iney gaadhayaan in kabadan 250,000 kuwaasoo haysta boqolaal iskugu jira diyaradaha aan duuliyaha lahayn ah iyo gantaalaha meelaha fog wax ka duqeeya.
