Nin ganacsade ah oo u dhashay Koonfur Afrika ayaa si naxdin leh u geeriyooday kadib markii uu weerar ku qaaday yaxaas aad u weyn, xilli baabuurkiisa uu ku dhacay Webiga Komati oo mara xadka u dhexeeya Koonfur Afrika iyo Eswatini.
Webigan Komati—oo sidoo kale loo yaqaan Inkomati ama Incomati—ayaa ka mid ah webiyada muhiimka ah ee dhex mara dalalka Koonfur Afrika, Eswatini iyo Mozambique.
Ciidamada amniga ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay soo qabtaan yaxaaskii la tuhunsanaa. Kadib qaliin lagu sameeyay, waxaa calooshiisa laga helay qaybo ka mid ah xubnihii ninka ganacsadaha ahaa ee la la’aa.
Wararka ayaa intaas ku daraya in yaxaaskan uu horey ugu lug lahaa weerarro dhowr ah oo ka dhacay deegaanka, kuwaas oo ay ku jiraan askar ka tirsan ilaalada xadka Koonfur Afrika iyo Eswatini, iyo sidoo kale dad tahriibayaal ah oo isku dayayay inay wabiga ka gudbaan, kuwaas oo qaarkood uu cunay.





