Wednesday, April 29, 2026

52 Markab Oo Iran ah Oo ka Gudbay Go’doominta Maraykanka Iyo Trump Oo Hanjabaadii

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wakaaladda wararka ee Fars News Agency ayaa sheegtay in 52 markab oo Iran ah ay ka gudbeen go’doomin uu Maraykanku ku soo rogay muddo 72 saacadood gudahood ah.

Sida warbixinta lagu sheegay, maraakiibta ayaa isugu jiray 31 booyadood oo saliid ah iyo 21 markab oo kuwa xamuulka qaada ah, iyadoo lagu saleeyay xogta dayax-gacmeedka ee la socday habeenkii Isniinta.

Dhinaca kale Sarkaal sare oo ka tirsan wasaarada difaaca Maraykanka ayaa sheegay in dagaalka Iiraan uu Maraykanka ugu kacay kharash dhan 25 bilyan oo doolar ilaa iyo hadda.

Jules Hurst ayaa u sheegay guddiga adeega ciidamada hubaysan ee baarlamanka in inta ugu badan kharashaynta ay la xiriirtay rasaasta.

Maraykanka iyo Israa’iil ayaa qaaday duqaymaha ka dhanka ah Iiraan dhammaadkii Febraayo, waxaana uu yahay hadda mid aan degenayn in kasta oo ay xabbad-joojin jirto.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa heerka qiimayntiisa ee gudaha ay hoos u dhacday tan iyo intii ay bilowdeen duqaymaha Iiraan iyada oo tobanaan ciidamada Maraykanka ay ilaa iyo hadda ku dhinteen colaada iyada oo boqolaal ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Iiraan inay ‘caqli yeeshaan sida ugu dhakhsiiyaha badan’ ayna saxiixaan heshiis, iyada oo dabasocota maalmo kama dambays ah oo lagu raadinayay dadaalka in lagu dhammeeyo colaada, waxaana warbixino ay sheegayaan in Maraykanku uu kordhinayo sii xirnaanshaha dekeddaha Iiraan.

Qoraal uu soo dhigay barta bulshada Truth Social ayaa Trump sheegay in Iiraan ay soo wici karaan haddii ay wadahadal doonayaan, waxaana uu adkeeyay si laalabasho leh in Tehran aysan yeelan karin Nukliyeer.

Wargayska Wall Street Journal ayaa tilmaamay saraakiisha Maraykanka ay sheegeen Madaxweynaha (Trump) uu u sheegay kaaliyayaashiisa inay isku diyaariyaan sii xirnaanshiyo wakhtiga loo dheereeyay oo lagu soo rogayo dekedaha Iiraan, taasi oo ah iskuday Iiraan loogu khasabayo inay is-dhiibto.