Madaxweynaha dalka Ghana John Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in dawladdiisu shaqaalaysiisay 6000 oo macallin kuwaas oo dhigi doona luuqadda Carabiga si kor loogu qaado barashada iyo fahanka diinta Islaamka.
Muslimiinta oo 30% ka ah bulshada dalka Ghana ayaa hadda ka dib heli doona macallimiin u dhigta Carabiga kuwaas oo ka qayb qaadan doona soo dhowaynta dhinaca barashada Diinta Islaamka iyo in Afafka dalkaas lagu turjumo culuumta Diinta Islaamka.
Waa tiradii ugu badnayd ee macallimiin ah ee dal Afrikaani uu ku dhawaaqo in uu u qaato dhinaca barashada Luuqadda Carabiga.
