Wednesday, April 29, 2026

Iran Oo Fashil Siyaasadeed ku Tilmaamay Qorshaha Maraykanka Iyo Trump Oo ku Goodiyay In Cunaqabatayntu Socon-doonto

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa soo bandhigay waxa uu ku tilmaamay guul siyaasadeed, isaga oo sheegay in Mareykanka iyo Israel ay ku fashilmeen qorshayaal ay ku doonayeen isbeddel nidaam oo ka dhaca Iran.

Ghalibaf ayaa sidoo kale xusay in difaacyada cirka ee Iran ay si guul leh uga hortageen weerarro, isla markaana dalka uu ilaashaday isku-duubni gudaha ah.

Isaga oo ka hadlay marxaladda xigta, wuxuu tilmaamay cadaadis cusub oo isugu jira go’doomin badeed iyo mid dhaqaale, isagoo sidoo kale ku eedeeyay Donald Trump inuu isku dayayo kala qaybin gudaha ah oo u dhaxeysa garabyada kala duwan ee Iran.

Xalka uu soo jeediyay ayaa ah midnimo buuxda oo lagu garab istaago Hoggaamiyaha Sare ee Iran Khamenei, isaga oo carrabka ku adkeeyay in aan la oggolaan doonin wax daciifnimo ah oo ka dhex muuqata nidaamka.

Trump ayaa waxyar ka hor ku goodiyay inuu sii wadi doono siyaasadda cunaqabateynta dekedaha Iiraan ilaa ay aqbasho heshiiska.

Iiraan dhinaceeda, waxay ku celcelisay inaysan wax heshiis ah qaadan doonin illaa xannibaada laga qaado dekedaheeda, iyadoo cunaqabateynta dekedaha ay sare u qaadayso saameynta caalamiga ah ee colaadan , maaddama xirnaasha Hormuz ay dhalinayso kororka qiimaha shidaalka iyo inuusan jirin wax ka baxaya ama soo galaya dekedaha dalalka khaliijka.