Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi oo madaxtooyadiisa ku qaabisay Lataliyaha Trump ee Africa iyo Carabta Massad Boulos ayaa u sheegay sida uu diidan yahay qorshaha qorshaha Israel ku kala qaybinaysa Soomaaliya.
“Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi ayaa sidoo kale muujiyay dadaallada Masar ay ku bixineyso xasillinta Geeska Afrika, isaga oo si cad u diiday tallaabo kasta oo halis gelin karta amniga iyo xasilloonida dalalka ku yaalla gobolkaas” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay madaxtooyada Masar.
Masar ayaa halis wayn u arragta qorshaha Isreal ee geeska Africa.
