Tacsi tiiraanyo leh oo ku Socota Qoyska AUN Xaaji Maxamed Cabdi Gaafane Oo Galabta ku Geeriyooday Borama oo uu mudo ku xanuunsanayay waxaana subaxa lagu aasi doonaa xabaalaha Sheekh Yuusf ee duleedka magalada Borama. sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah elelada marxuumka
Allah Naxariistee Marxuum Xaaji Maxamed Cabdi Gaafane ayaa oo ka mid ahaa waxgaradka magaalada Borama sida wayn looga yaqaanay islamarkaana ka mid ahaa Xildhibaanadii ugu horeeyay ee Golaha Degaanka Degmada Boorama lagu soo doortay waqtigii 2002 ilaa 2012 ahaa mudane ka tirsan golahaasi.
Marxuumka ayaa waxa alle uga baryaynaa inuu naxariistii Jano ka Waraabiyo Qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo Aaamiin.
