Qaraxyo Laga Maqlay Xeebta koonfurta Iran Xilli Trump uu sii Xoojiyay Hanjabaadiisa

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Saacad kadib markii warbaahinno ku sugan Iran ay soo sheegeen in la maqlay qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay xeebaha koonfureed ee dalkaasi, Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay in ciidamadooda ay weerarro ka fuliyeen Iran habeenkii saddexaad oo xiriir ah.

CENTCOM ayaa sheegay in weerarradu billowdeen maanta 4:45 galabnimo waqtiga Mareykanka taas oo ku beegan qiyaastii saqdii dhexe waqtiga Tehran, waxaana lagu fuliyay amar ka yimid Taliyaha Guud ee Ciidamada Mareykanka, Madaxweyne Donald Trump.

Bayaan ay soo saartay CENTCOM ayaa lagu sheegay in duqeymaha ay sii socon doonaan, iyadoo ujeeddadu tahay “in khasaaro culus lagu geysto ciidamada Iran” iyo in la yareeyo awooddooda ay ku weerari karaan rayidka iyo maraakiibta ganacsiga ee mara Marinka Hormuz.

Sida horay loo sheegay, wakaaladda wararka Tasnim, oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC), ayaa soo warisay qaraxyo xooggan oo laga maqlay deegaanka Konarak xilli ku beegan saqdii dhexe ee Isniinta waqtiga Tehran. Wakaaladdu sidoo kale waxay baahisay warar la mid ah oo ka yimid Lark iyo Chabahar.

Wakaaladda Tasnim ayaa sheegtay in nidaamyada difaaca cirka laga hawlgeliyay Bandar Abbas, balse waxay beenisay in qaraxyo laga maqlay Lar iyo Sirik.

Dhanka kale, ilo militari oo ku sugan Iran ayaa sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykanku leeyahay nooca MQ-1 lagu bartilmaameedsaday gudaha Marinka Hormuz, iyagoo ku tilmaamay in weerarka lagu fuliyay “nidaamyada difaaca hawada ee casriga ah ee cusub ee Ilaalada Kacaanka, kuwaas oo hoos yimaada shabakadda difaaca hawada ee isku dhafan ee dalka.”

Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii fiidkii sheegay in Mareykanku uu Iran ku qaadi doono weerarro culus.

Trump ayaa yiri:”Waxaan si aad ah u garaaci doonnaa iyaga (Iran) caawa, waxaana mar kale garaaci doonnaa berri; mana awoodaan inay wax sameeyaan,Waxba ma haystaan,waxay haystaan oo keliya hadal badan… Waan aqaan iyaga, waana dad waalan.”

Hadallada Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli warbaahinno ku dhow ilo militari oo Iran ah ay sidoo kale baahiyeen warar sheegaya in dhowr markab oo lagu tilmaamay “kuwa jebiyay xeerarka” lagu bartilmaameedsaday gudaha Marinka Hormuz.