Trump ayaa waxyar ka hor sheegay Mareykanka inuu la wareegayo ammaanka marin-biyoodka Hormuz , ka dibna lacag waddo maris ah ka qaadi doono maraakiibta adeegsanaya.
Intaasi ka dib, Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan,Abbas Araghchi ayaa baraha bulshada ku qoray jawaab uu ku jeesjeesayo ku dhawaaqistii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxuuna yiri.
“Trump, waxaad ku hadashay hadal saxan… Iiraan ayaa waligeedba ilaalinaysay marin-biyoodka Hormuz , hadana iyadaa ilaalin doonta, markaa waa inaad cid walba u sheegta inay lacagta waddo marista siiyaan Iiraan.”
Araqchi ayaa sidoo kale yiri:”20% dabcan waa lacag aad u badan,waxaan noqon doonnaa caddaalad.”
