Diyaarad Laga Leeyahay Aqalka Kirimilinka Ruushka Oo Maanta ka Degtay Tahran Caasimada Iran

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Diyaaradda loo yaqaan doomsday Plane ee Ruushka oo ka duushay Moscow ayaa ka degtay garoonka Imaam Khamenei ee Tehran.

Diyaaradda waa nooca Tu-214PU, waxaa leh aqalka Kirimilinka Ruushka looga taliyo.

Waa nooc aanay xabbad karin, la jaam gareyn karin, iska difaaca nooc kasta oo hub ah oo lagu weeraro sidoo kalena aysan arki karin raadaarrada.

Sida ku cad xogta FlightRadar, diyaaradda oo u dhiganta midda Airforce one ee Mareykanka ayaa tagitaankeeda ku soo aaday iyada oo Mareykanka iyo Iran dagaallamayaan maalintii 4aad io xiriir ah, dhacdo u muuqata burburka heshiiskii ay ka shaqeyaay Islamabad.

Iskaashiga Ruushka iyo Iran oo sarreeya ayaa awgii waxaa lala xiriirinayaa arrimo amni iyo sirdoon ku jiraan.