Shirkadaha Maraakiibta:”Ma isticmaali Doono Marinka Hormuz Inta Amnigeed la Xaqiijinayo.”

by Heemaaln
1 minutes read

Tilmaamaha hore waxay muujinayaan in maraakiibta ganacsiga ee ku sugan ama ku dhow Gacanka (Gulf) aysan ku degdegi doonin inay maraan Marin-biyoodka Hormuz, inkasta oo wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, uu ku dhawaaqay inuu “si buuxda u furan yahay”.

Mid ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya maraakiibta shidaalka iyo gaaska, oo aan rabin in magaceeda la shaaciyo, ayaa u sheegtay BBC in bayaanka Iran “uusan waxba ka beddelin xaaladda hadda jirta”.

Waxay tiri: “Ma dareemeyno inaan u baahannahay inaan qaadanno khataro aan loo baahnayn, waxaana habka shirkaddeenu yahay inaanan noqon kuwii ugu horreeyay ee mara marin-biyoodka.”

Shirkad kale oo lagu magacaabo Stena Bulk, oo ka shaqeysa maraakiibta shidaalka ee gobolka, ayaa sheegtay inay “si dhow ula socoto xaaladda isbeddelaysa.”

Waxay sidoo kale tiri: “Badbaadada shaqaalaheenna iyo maraakiibtayadu waa waxa hagaya go’aan kasta oo la xiriira waddo-marista, mana gudbi doonno ilaa aan ku qanacno inay ammaan tahay in sidaas la sameeyo.”

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa maanta xilli hore sheegay in “ dhammaan maraakiibta ganacsiga ay ka gudbi karaan Marin-biyoodka Hormuz oo uu si buuxda u furan yahay inta ka hartay muddada xabbad-joojinta,” sida uu ku qoray bartiisa X.

Telefishinka dawladda Iran ayaa hadda soo xigtay “sarkaal sare oo milatari” oo sheegay in maraakiibtan ganacsiga ay mari doonaan “waddo loo qoondeeyay” isla markaana ay u baahan doonaan oggolaanshaha Ciidanka Badda ee ilaalada kacaanka Iiran.

Waddada loo qoondeeyay, sarkaalku wuxuu u sheegay TV-ga inay noqon doonaan midda dawladda ee ay go’aamiyeen Dekadaha iyo Ururka Badaha Iran.

Sida uu sheegay telefishinka dawladda Iran, isaga oo soo xiganaya sarkaalka milatariga, maraakiibta milatariga wali waa ka mamnuuc inay maraan Marin-biyoodka Hormuz.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.