Mareykanka ayaa hadda oggaaday inay Pakistan saldhiyadeeda iyo garoommadeeda militari ku haysay dhammaan diyaaradaha dagaalka Iiraan,si looga fogeeyo weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil intii lagu jiray dagaalka, iyadoo Pakistan xilligaa u dhaqmaysay dhex dhexaadiye aan dhinacna raacaysanayn ,sida ay werisey CBS News oo xiganaysa saraakiil Mareykan ah.
Tallaabadan ma cadda inay ku filantahay haddii Mareykanka isku diyaarinayo sidii dhex dhexaadinta uu uga wareejin lahaa Pakistan oo hadda ay bilowdeen eedeymo loogu muujinayo inay taageersan Iiraan, ka dib markii Mareykanka ku guul-darraystay inuu Pakistan ku riixo in ay cadaadis saarto Iiraan. See less
Sidoo kale Mareykanka ayaa markii u horreysay shaaciyay dhaq dhaqaaqa mid ka mid ah maraakiibta gujiska quusa ee nukliyeerka iyo gantaallada ballisti-ga ah xambaara oo lagu sheegay mid ka mid ah maraakiibta sida weyn sirtooda loo ilaaliyo ee nooca Ohio, kaasoo hadda ku sugan jasiiradda Gibraltar oo ah dhul uu Ingiriiska haysto oo ku yaal albaabka laga galo Badda Mediterranean-ka ee xiriirisa Morocco iyo Spain, sida uu baahiyay wargeyska Washington Post oo tilmaamay dhaqdhaqaaqan inuu dhacayo saacado ka dib markii Trump uu diiday soo jeedintii ugu dambeysay ee Iiraan ee xabbad joojinta.
