Hogamiyaha Iran Mojtaba Khamenei Oo 10 Qodob kasoo Saaray Gacanka iyo Marinka Hormuz

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa sheegay 10 qodob oo “aad muhiim u ah” oo istiraatiiji ah oo ku saabsan “Gacanka Faaris iyo Marin-biyoodka Hormuz,” sida lagu daabacay fariimo ay baahisay Fars News Agency..

Tobanka qodob ee uu soo bandhigay Mojtaba — oo aan weli si rasmi ah uga soo muuqan fagaaraha tan iyo markii loo doortay inuu beddelo aabbihii — waxay ahaayeen sidan:

1-Joogitaanka iyo isku ururinta ciidamada Mareykanka ee dalalka ku yaalla “Gacanka Faaris” waa sababta ugu weyn ee amni darrada gobolka.

2-Saldhigyada Mareykanku ma awoodaan inay dammaanad qaadaan ammaankooda gaarka ah.

3-Gobolka “Gacanka Faaris” wuxuu leeyahay mustaqbal ifaya oo ka fog Mareykanka, kana shaqeynaya horumarka, barwaaqada iyo wanaagga shucuubtiisa.

4-Mustaqbalkeenna wuxuu si dhow ugu xiran yahay kan deriskeenna ku nool biyaha “Gacanka Faaris iyo Badda Cumaan”.

5-Meesha keliya ee ajaanibta “sharka leh” ay ku habboon yihiin Gacanka Faaris waa gunta hoose ee biyihiisa.

6-Guulaha isdaba-joogga ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ee “Gacanka Faaris” waxay gogol xaarayaan nidaam cusub oo gobolka iyo dunidaba ka hanaqaada.

7-Sugidda ammaanka gobolka “Gacanka Faaris” waxay u baahan tahay in si “ficil ah loogu mahadceliyo” guusha Iran ee maamulka Marin-biyoodka Hormuz.

8-In la joojiyo ka faa’iidaysiga “cadowga” ee Marin-biyoodka Hormuz.

9-In la xaqiijiyo raaxada iyo horumarka shucuubta gobolka iyada oo loo marayo sharciyo waafaqsan iyo hirgelinta maamulka cusub ee Marin-biyoodka Hormuz.

10-Shacabka Iran waxay ku faraxsan yihiin faa’iidooyinka dhaqaale ee ka dhashay maamulka cusub ee Marin-biyoodka Hormuz.