Mareykanka Iyo Iran oo Qarka u Saaran iney Gaaraan Heshiis Cusub

by Heemaaln
3 minutes read
A+A-
Reset

Warar isa soo taraya oo kasoo baxaya ilo diblumaasiyadeed iyo warbaahinta caalamiga ah ayaa muujinaya in Mareykanka iyo Iiraan ay ku dhow yihiin inay gaaraan heshiis cusub oo xabbad-joojin ah oo soconaya muddo 60 maalmood ah, heshiiskaasi oo loogu talagalay in lagu abuuro jawi deggan oo lagu sii ambaqaado wada-hadallada lagu doonayo in si rasmi ah lagu soo afjaro xiisadda iyo colaadda muddada dheer u dhexeysay labada dal.

Wargeyska caanka ah ee Financial Times ayaa qoray in wada-hadallada socda ay gaareen heerar xasaasi ah, isla markaana labada dhinac ay muujiyeen dabacsanaan ka duwan middii hore. Sida warbixintu tilmaamayso, qorshaha heshiiska cusub ayaa la filayaa inuu ka koobnaado qodobo dhowr ah oo muhiim u ah labada dhinac.

Qodobada ugu waaweyn ee laga wada hadlayo waxaa kamid ah in Mareykanka uu si tartiib tartiib ah u yareeyo cunaqabateynta dhaqaale ee muddada dheer saarneyd Iiraan, kuwaasi oo si weyn u saameeyay dhaqaalaha dalkaasi, gaar ahaan shidaalka, bangiyada iyo ganacsiga caalamiga ah. Taa beddelkeeda, Iiraan ayaa la sheegay inay diyaar u tahay inay fududeyso isu socodka maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah ee marin-biyoodka Hormuz, oo kamid ah goobaha ugu muhiimsan ee maraakiibta shidaalka adduunka ay maraan.

Marin-biyoodka Hormuz ayaa muhiimad weyn u leh dhaqaalaha caalamka, maadaama boqolkiiba badan oo shidaalka dunida laga dhoofiyo uu halkaasi maro. Xiisadaha ka dhaca aaggaasi waxay si toos ah u saameyn karaan qiimaha shidaalka iyo dhaqaalaha caalamka. Sidaa darteed, furitaanka iyo xasilinta marin-biyoodkaasi ayaa loo arkaa tallaabo weyn oo lagu dejin karo xiisadda gobolka Bariga Dhexe.

Sidoo kale, wada-hadallada cusub ayaa xoogga saaraya arrinta uranium-ka la hodmiyay ee Iiraan, taasoo muddo dheer ahayd qodobka ugu weyn ee muranka dhaliyay. Mareykanka iyo dalalka reer galbeedka ayaa muddo badan ka walaacsanaa heerka ay Iiraan gaarsiisay hodminta uranium-ka, iyagoo ka cabsi qaba in barnaamijkaasi uu horseedi karo hub nukliyeer ah, halka Iiraan ay ku adkeysaneyso in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid nabadeed oo loogu talagalay tamarta iyo cilmi-baarista.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan, Esmaeil Baghaei, ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka IRIB ku sheegay in dowladda Iiraan ay hadda ku jirto marxaladihii ugu dambeeyay ee diyaarinta heshiis lagu soo afjarayo colaadda kala dhexeysa Mareykanka. Wuxuu sheegay in labada dhinac ay hadda ka shaqeynayaan faahfaahinta ugu dambeysa ee heshiiska.

Baghaei ayaa tilmaamay in muddo u dhexeysa 30 ilaa 60 maalmood gudahood si qoto dheer looga wada hadli doono qodobada harsan, ugu dambeyntiina la gaari doono heshiis rasmi ah oo horseeda degganaansho siyaasadeed iyo mid amni.

Hadalka kasoo baxay Tehran ayaa kusoo aadaya xilli sidoo kale Mareykanka uu muujinayo rajo ku aaddan horumarka wada-hadallada. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in horumar muuqda laga sameeyay wada-xaajoodyada lala leeyahay Iiraan, isagoo xusay in maalmaha soo socda laga yaabo inay soo baxaan warar cusub oo muhiim ah.

Khubarada siyaasadda caalamiga ah ayaa aaminsan in haddii heshiiskan lagu guuleysto, uu noqon karo isbeddel weyn oo lagu dejin karo xiisadaha Bariga Dhexe, gaar ahaan kuwa saameeya shidaalka, ganacsiga caalamiga ah iyo amniga gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli jira caqabado waaweyn oo horyaalla heshiiska, maadaama labada dhinac ay muddo dheer isku hayeen arrimo ay kamid yihiin cunaqabateynta, taageerada kooxaha hubeysan ee gobolka iyo barnaamijka nukliyeerka Iiraan. Dad badan ayaa hadda si dhow ula socda natiijada wada-hadalladan, kuwaasi oo saameyn weyn ku yeelan kara mustaqbalka xiriirka Mareykanka iyo Iiraan iyo guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee gobolka.