Xal u Helidda Dagaalka Suudaan Oo Kooxaha Ku Dagaalamaya Iyo Bulshada rayidka ahi Ugu shirayaan magaalada Nairobi ee Keniya si loo soo afjaro dagaalka loona soo celiyo xasilloonida
Isbahaysi ballaadhan oo ay ku mideysan yihiin kooxaha siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo kooxaha hubeysan ee Suudaan ayaa magaalada Nairobi ka bilaabay wadahadallo lagu raadinayo waddo lagu soo afjaro dagaalka ka socda Sudan, isla markaana lagu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.
Kulankan oo lagu qabtay magaca “Xoogagga Baaqa Mabaadi’da Suudaan ee Dhismaha Dal Cusub” ayaa waxaa ka qayb galay hoggaamiyeyaal ka socda axsaabta siyaasadda, dhaqdhaqaaqyada hubeysan, ururrada bulshada rayidka ah iyo shaqsiyaad caan ah.
Dadkii ka hadlay furitaanka shirka waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Suudaan ahna guddoomiyaha Isbahaysiga Sumoud, Abdalla Hamdok, hoggaamiyaha Ciidanka Xoreynta Suudaan Abdelwahid Mohamed al-Nur, iyo guddoomiyaha Xisbiga Ba’ath-ka Carabta Hantiwadaagga ah ee Original, Ali al-Rayah al-Sanhouri. Sida ay sheegtay Sudan Tribune, doodaha ayaa diiradda lagu saaray qalalaasaha siyaasadeed ee hadda ka jira Suudaan, sii socoshada dagaalka, iyo horumarinta dheeraadka ah ee bayaankii ay isbahaysigu ku saxiixeen Nairobi bishii Diseembar 2025.
