Iran ayaa jawaab lala yaabay ka bixisay muddo kordhintii Trump ee uu ku daray waqtiga xabad-joojinta, iyadoo sheegtay inaysan aqbalin mudda kordhinta D.Trump ku dhawaaqay caawa.
Tehran waxay sheegtay inaysan aqoonsanayn mudda kordhinta Trump sameeyay, sidaan ayayna hadalkeeda ku dhigtay.
“Iran ma aqoonsana kordhinta xabad-joojinta, wayku dhaqmi kartaa ama ka bixi kartaa, ayadoo ku salaynaysa danaheeda qaranka”
“Iiraan ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqday in ka qeybgalka wadahadallada xaaladdan hadda jirta uu yahay waqti lumis,maadaama Mareykanka uu hor istaagayo in la gaaro heshiis ku habboon. Sidaas darteed, Iiraan diyaar uma aha inay ku dhacdo dabinka Mareykanka.”
