Dawladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in qaaradda Afrika gaar ahaanna dalka Congo ay geyso dadkii ka caawin jirey dagaalkii Afgaanistaan ee u dhashay waddanka Afghanistan kuwaas oo hadda ku sugan dalka Qatar.
Dadkan oo muddo dheer raadinayey ayaa hadda la geynaya Afrika sida ay sheegeen Warbaahinta Maraykanka sida NBC iyo The New York times.
Qaaradda Afrika dadkan loo soo dirayo ayaa ah kuwii Maraykanka ka taageeray dagaalkii Afgaanistaan ka dibna waddankaas ka cararay markii ay la wareegtay kooxda hadda gacanka ku haysa taas oo ah tii ay Maraykanka wada dagaallami jireen 20 kii sano ee la soo dhaafay.
Congo oo ah dal aan degganayn ayaa Maraykanka heshiis kula gashay in dalkeeda la keeno cid kasta oo loo diido sharciga Maraykanka.
