Maraykanka Oo Maanta Ccunaqabatayn Adag ku soo Rogtay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah Ee ICC.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Dawladda Maraykanka ayaa maanta oo Jimce ah cunaqabatayn ballaadhan ku soo rogtay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC, saacado yar kadib markii haweenayda Navi Pillay oo hore garsoore uga ahayd maxkamadda, lagu abaalmariyey Bilada Nobel-ka Nabadda ee sanadka 2026.

Sida ay baahisay wakaaladda Reuters, cunaqabatayntan ayaa si toos ah u beegsanaysa maxkamadda lafteeda, waxaana laga mamnuucayaa shirkadaha Maraykanka inay la sameeyaan macaamil ganacsi. Talaabadan ayaa sidoo kale saamayn karta bangiyada, shirkadaha caymiska iyo kuwa tiknoolajiyadda ee adeegyada siiya maxkamadda, taas oo culays weyn ku keeni karta hawlaheeda garsoor.