Iran Oo Gantaallo Ballistic ah ku Weerartay Jordan Iyo Khasaraha kasoo Gaaray Duqaynta Maraykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wararka ayaa sheegaya in Iran ay gantaallo ballistic ah ku weerartay Jordan, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay jawaab ay ka bixisay duqeymihii dhawaan Maraykanku ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla Iran.

Mas’uuliyiinta Jordan ayaa sheegay in nidaamyadooda difaaca cirka ay soo rideen dhammaan gantaalladii kusoo wajahnaa, iyagoo xusay inaan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka.

Dhinaca kale Wakaaladda wararka ee ISNA ayaa sheegtay in duqeyn uu Maraykanku ka geystay magaalada dekedda leh ee Sirik, koonfurta Iran, ay ku dhacday goob lagu xirto doomaha kalluumeysiga, taasoo sababtay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 15 kale, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxalliga ah.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in goobta la beegsaday ay ahayd deked ay isticmaalaan kalluumeysatada, iyadoo xaaladda amni ee gobolka ay weli tahay mid sii xumaaneysa kadib weerarradii is-daba joogga ahaa ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran.