Ganacsatada Puntland ayaa sheegay in muddo 9 maalmood ah ay hakad ku jireen howlaha dejinta badeecadaha ee Dekedda Boosaaso. Waxay sheegeen in arrintan ay la xiriirto lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo culays ku noqday ganacsigooda.
Ganacsatada qaarkood ayaa sidoo kale ku eedeeyay shirkadda DP World inay ku riixayso in badeecadaha laga soo dejiyo Dekedda Berbera, iyagoo ku andacoonaya in ganacsigii Dekedda Berbera uu hoos u dhacay.
Dhanka kale, waxaa jira dhaliilo ku saabsan heerka maalgashiga ee Dekedda Boosaaso, iyadoo dadka dhaliilaya ay sheegayaan in horumar muuqda laga sameeyay Dekedda Berbera halka Boosaaso aysan helin maalgashi la mid ah.
Bil walba dekeda Waxaa ku gubta Doon Hadana Hal Damdamis ma awoodo shirkadu inay usoo iibiso Dekeda.
