Tuesday, August 18, 2026

Israa’iil Oo ku Wargelisay Mareykanka ka hor inta Aysan Duqayn Saldhigga Milatari Suuriya ee Idlib

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Israa’iil ayaa ku wargelisay Mareykanka ka hor inta aysan fulin weerarkii ay horraantii maanta ka fulisay saldhigga milatari ee Abu al-Duhur, oo ku yaalla baadiyaha bariga magaalada Idlib ee dalka Suuriya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Israa’iil oo la hadlay Fox News.

Sarkaal waxaa kaloo uu tilmaamay ka hor weerarka inay Israa’iil la wadaagtay Mareykanka xog sirdoon oo lagu go’aamiyay inay lagama maarman tahay weerarka la fuliyay, inkastoo uu diiday inuu sharraxo waxay la xiriirto xogta sirdoon, waxa keliya ee uu caddeeyay waxay ahayd in Israa’iil ay ka go’antahay inay ka hortagto saameynta militari ee Turkiga uu ku yeelanayo Suuriya. Tani waxaa laga yaaba inay ku filantahay weerarkan inuu ahaa digniin ay Israa’iil u dirtay Turkiga.

Dhinaca kale, wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa weerarkan cambaaraysay, iyadoo warsaxaafadeed kasoo baxay lagu sheegay;

“Waxaan beesha caalamka ugu baaqaynaa inay muujiyaan mowqif ka adag, si loo joojiyo gardarrada Israa’iil ee ka dhanka ah Suuriya, taas oo maalin kasta yeelanaysa weji cusub, loona hubiyo in lala xisaabtamo falalkan iska indha-tiraya sharciga caalamiga ah.”

Maxaa keenay in Israa’iil duqeyso saldhigan?

Toddobaadkii hore, Suuriya waxay duulisay diyaarad dagaal oo nooca SU-22M5 ah oo ay dib u hagaajisay.

Saldhigga Abu Duhur waxaa ku xaraysan tirada ugu badan ee diyaarado ka haray ciidankii cirka ee dawladdii hore, kuwaas oo gacanta ugu dhacay nidaamka Axmed Sharac. Suuriya hadda waxay ku hawlan tahay dib-u-dayactirka qaar ka mid ah diyaaradahaas, oo ay ku jiraan diyaarad nooca SU ah iyo MiG-23.

Ilaa hadda, waxaa la rumeysan yahay in Suuriya ay dib u howl gelisay:

•2 diyaaradood oo L-39 Albatros ah
•2 diyaaradood oo Su-22 ah
•1 helikobtar Mi-24 Hind
•2 helikobtar oo Mi-17 ah

Qaar ka mid ah saraakiishii Alawiyiinta oo ah bulshada ay qoyskii reer Asad ka soo jeedeen , oo inta badan gacanta ku hayay ciidanka cirka ayaa nidaamka Axmed Sharac uu shaqada ku soo celiyay , si ay gacan uga geystaan dayactirka iyo dib-u-hawlgelinta diyaaradaha.

Si kastaba ha ahaatee , Israa’iil waxay khad cas u aragtaa inay Suuriya yeelato awood dagaal oo cirka ah, taasoo ku riixaysa inay ka hortagto hami kasta oo nidaamka Suuriya uu ku helayo diyaaraddo dagaal.

Xaaladan waxaa wehelisa, Turkigu inuu saldhigga ka waday hawlo u gaar ah, taas oo sida muuqata ka careysiisay Israa’iil. Hase yeeshee, weli si cad looma oga waxa Turkigu halkaas ka waday.

Isku darka xaaladahan, waxaa loo arkaa inay tahay sababta ay Israa’iil u qaaday weerar oo ay u beegsatay dhabaha diyaaradaha iyo qaar ka mid ah difaacyada lagu qariyo diyaaradaha dagaalka iyo nidaamyada kale ee difaac iyo hagis oo ku yaalla saldhigga Abu al-Duhur.