Raysal wasaaraha Israel Netanyahu ayaa caawa sheegay in Israa’iil ay ogolaatay xabbad joojin ku meel gaar ah oo 10 maalmood ah si fursad loo siiyo wada hadallo socda.
Balse wuxuu caddeeyay in shuruudaha muhiimka ah aysan is beddelin doonin kuwaas oo ah in hub ka lagaa dhigo Hezbollah iyo in la gaaro nabad waarta.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Israa’iil ay sii joogayso gudaha Lubnaan iyadoo sameysay aag amni oo ballaaran oo gaaraya 10 kiiloomitir kaas oo uu ku tilmaamay mid ka xoog badan kana sii adag kii hore.
Ujeeddada arrintaas ayuu ku sheegay in ay tahay in laga hortago weerarro ama gelitaan (infiltration) isla markaana la joojiyo weerarrada gantaallada lidka taangiyada ee lagu beegsado deegaannada waqooyi.

