Madaxweynaha K/Koonfuree Oo Amray In Baaritaan Lagu Sameeyo Cabashada Xulka Qaranka Ee Koobka Aduunka Uga Qayb-galay.
Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, ayaa amar ku bixiyay in baadhitaan Dowladeed lagu sameeyo sababta uu xulka qaranka Kuuriyada Koonfureed uga soo hadhay koobka Adduunka.
Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, wuxuu sheegay inuu aad ula yaabay natiijada, wuxuuna su’aal galiyay in tababaraha loo dhiibay xulka Dalkaas uu ahaa qof ku haboon shaqada.
Tababaraha xulka Kuuriyada Koonfureed, Hong Myung-bo ayaa axadii ku dhawaaqay inuu is casilayo isla markaana uu issagu qaadanayo masuuliyada oo dhan, kadib markii Koonfur Afrika ay xulka Kuuriyada Koonfureed ka cidhib tirtey koobka Adduunka.
