Ra’iisal Wasaaraha Israel Oo si Adag Ugu Jawaabay Madaxwayne Erdogan Oo Eedeyay

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisal Wasaaraha Israel ayaa sheegay iney si dhaba u qaadanayan hanjabaadaha ISRL uga imanaya Madaxweynaha Turkiga.

Natanyahu ayaa yidhi. “Ma jirto maalin uusan Erdogan ku baaqin in la burburiyo Dowlada ISRL, hadaladan waxaan u qaadaneynaa si dhab ah, sababtoo ah hadii ay jirto hal cashar oo aan ka baranay taarikhda dadkeena, waa in marka uu qof ku yidhaahdo waan ku baabi’inayaa, ay tahay inaad si dhab ah u qaadatid hadalka.”

“Sidaas darteed, hadaladan Erdogan si dhab ah ayaan u qaadanaynaa, iskama indha tireyno, sidoo kalena waan u gudbin doonaa saaxiibadayada Mareykanka.