Waqooyi Bari Oo Qaraar kasoo Saaray Maxkamadaynta Maxaabiista Dagaal Ee Somaliland

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Golaha Wakiillada ee maamul Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa qaraar kasoo saaray Maxkamadaynta maxaabiista ku eedeysan dambiyada dagaal fadhigii aan caadi ahayn ee ay yeesheen maanta oo ah 26 Luulyo, 2026.

Qaraarkan ayaa Xukuumadda Dowlad Goboleedkaas ku amraya in si degdeg ah maxkamad awood u leh loogu horgeeyo dhammaan maxaabiista Somaliland ee ku xidhan xabsiyada ee loo haysto dambiyada culus sida barakicinta, xasuuqa, iyo kuwo kale oo ka dhan ah shacabka, iyadoo la raacayo habraac caddaalad ah, hufan, oo dhowraya xuquuqda dhinacyada dhan