Yahuudda la Dajiyay Daanta Galbeed Oo Gubay Maanta Masaajidyo, Gawaari iyo Beero

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Saraakiil Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in Yahuudda lagu deegaameeyay Daanta Galbee ay dab qabadsiiyeen laba masjid, islamarkaana ay gubeen baabuur iyo beero ku yaalla isla Daanta Galbeed ee la haysto, iyadoo xiisadda gobolka ay sii kordhayso.

Weeraradan ugu dambeeyay ayaa dhacay laba maalmood kaddib markii ay ku dagaallameen Yahuudda la deegaameeyay iyo Falastiiniyiinta meel u dhow tuulada Tal, Dagaalkaas waxaa ku dhintay afar Falastiiniyiin ah iyo laba Israa’iiliyiin ah.

Labada dhinacba waxay isku eedeeyeen in ay hurinayaan rabshadaha. Iska hor’imaadyadan ayaa kaga sii daray xiisadda ka taagan Daanta Galbeed, halkaas oo ay kordheen weerarrada ay Yahuud xagjir ah ku hayaan Falastiiniyiinta, kuwaas oo la sheegay in ay dhiirrigelin ka helayaan kooxo midigta fog ah oo ka tirsan dowladda Israa’iil ee hadda jirta.

Wararka ka imanaya dhinaca Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in Yahuudda dhulka la dajiyay ay weerareen laba tuulo oo ku yaalla Daanta Galbeed. Baabuur ayaa la burburiyay, hanti ayaa la dhacay, waxaana darbiyada lagu qoray qoraallo naceyb xanbaarsan.

Duqa magaalada Qusra ayaa sheegay in Yahuudda u ay dab qabadsiiyeen masaajid weli dhismihiisu socday.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamo loo diray Qusra, islamarkaana booliisku ay sameyn doonaan baaritaan lagu ururin doono caddeymaha.