Mareykanka Oo Markii ugu Horeysay Sheegay in Dalalka Khaliijku ka Caawiyaan in la Xanibo Lacagaha Iiraan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xoghayaha Maaliyada Mareykanka, Scott Bessent ayaa markii ugu horeysay daaha ka qaaday in dalalka Khaliijku ay Mareykanka ka caawiyaan in la xanibo akoonada maaliyadeed ee Iiraan.

Bessent wuxuu sheegay in khaladkii ugu waynaa ee Iiraan ay sameysay ay ahayd weerarkii ay ku qaaday dalalka Khaliijka, wuxuu sheegay in dalalka Khaliijka iyagoo ah xulafada Mareykanka ay hadana markii hore ka dhaga adaygeen iney Washington u gudbiyaan dhammaan macluumaadka la xidhiidha akoonada lacagaha Iiraan ee ku jirey nidaamyadooda bangiyada.

Wuxuu sheegay in markii Iiraan ay weerartay dalalka Khaliijka in si lama filaana ay isku badaleen oo ay noqdeen kuwo hogaansan oo diyaar u ah iney Mareykanka u gudbiyaan dhammaan xogta Akoonada Iiraan, taasoo Mareykanka ka caawisey in la xanibo akoonadaas.