9
Shirkadda Maraakiibta caalamiga ah ee Maersk ayaa shaaca ka qaadday in ay joojisey ka shaqeynta dekedda Berbera, sabab ay ku sheegtey isbeddel-jadwal.
Shirkaddu ayaa waxay macaamiisheeda u sheegtey in ay ka shaqaynayso dekedaha Muqdisho & Jabbuuti, halkaasi oo ay badeecadaha kala degi karaan, kana dhoofin karaan.
Dekedda Berbera ayaa ah mid istaraatiiji ah oo xilligan Somaliland u fududeysey xidhiidhada caalamiga ah.

