Taliyaha ciidanka cirka ee Ilaalada Kacaanka Iran ayaa hada shaaciyay inay beegsan doonaan goobaha shidaalka iyo saliidda ee dalaka Khaliijka haddii ay carabtu wax yar oo caawinaada siiyaan Maraykanka waa sida uu hadalka u dhigaye. Waxay u muuqataa inay xaaladdu sii adkaanayso.
Taliyaha oo hanjabaad toosa u dirtey dalalka Khaliijka ayaa yidhi “Hadii dalalka derisku ay gacan ka geystaan weerarada ka dhanka ah Iiraan, waxay gabi ahaanba macal salaamayn doonaan wax-soo-saarkooda saliida.”
Sidoo kale Afayeenka Ciidamada Iiraan ayaa hada digniin adag oo uu soo saaray u diray bulshada ku dhaqan dalalka khaliijka waxuuna yidhi “qof walba waa inuu si degdega uga baxaa dalalka Imaaraadka Carabta, Sucuudiga, Qatar, Kuweyt iyo Baxreyn, wakhtigii xabad joojintu waxay u eg tahay iney dhamaanayso.”
Iiraan waxay ugu hanjabaysaa dalalka Khaliijka iney dib dambe shidaal usoo saari doonin oo ay burburin doonto hadii inyar oo caawimaada ayu fidiyaan Mareykanka iyo ISRL.
