Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa maalinta qaranka ee Kenya oo loogu yeero Madaraka Day oo ah maalin ku astaysan maalintii ay Kenya heshay is-maamul, ka hor intii aysan si buuxda uga xoroobin gumaystihii Ingiriiska ayaa sannadkan u rogay waqti si gaar ah Soomaalida gobolka Waqooyi Bari uu ugu raalli-gelinayo dib u dhaca ay kala kulmeen nidaamyadii ka horreeyay ee Kenya, iyadoo markii u horreysay maalintan oo la xuso sannad walba 1 bisha Juun, lagu qabta magaalada Wajeer ee Ismaamulka Soomaalida.
Ruto, ayaa khudbad uu Wajeer ka jeediyay wuxuu yiri;
“Xuska Maalinta Madaraka ee sanadkan oo lagu qabtay gobolka Wajeer waa mid aan shaki ku jirin inuu ka mid yahay dhacdooyinka ugu muhiimsan ee aan soo arkay intii aan noolaa iyo muddadii aan siyaasadda ku jiray.
Maanta waxaan wajahaynnaa, isla markaana saxaynaa, dulmi taariikhi ah oo in ka badan lixdan sano saarnaa shacabka Waqooyiga Kenya.
Madaxwaynaha Kenya ayaa fagaarihii maanta ka sheegay in shacabka Waqooyiga Kenya- Soomalidu ay wajaheen caddaadis iyo culaysyo dhanka Dowladda kaga imanayay.
Wuxuu xusay arrintaas keentay Takoor, hoos u dhac maalgashi iyo fursado ay dadku waayen sannado badan.
Rutu ayaa yidhi; “Annigoo magaca Dowladda Kenya ku hadlaya waxaan idinka raali-galinayaa Takoorka ay wajaheen shacabka Waqooyiga kenya.”
Hoggaamin qaabkas u qirta caqabadihii Deeganka Soomartay malaga heli doona Itoobiya



