Duqa Magaalada New York, Oo Diiday inuu ka Qaybgalo Socodka Maalinta Israa’iil

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Duqa magaalada New York, Zohran Mamdani ayaa diiday inuu ka qaybgalo socodka maalinta Israa’iil ee sannad walba kowda bisha Juun lagu qabto magaalada New York, taa oo ka dhigtay duqii u horreeyay ee magaaladaas oo aan ka qaybgelin munaasabadan.

Xataa maqnaashiyihiisa Israa’iiliyiinta ayaa sameeyay sawirka Mamdani, waxayna la galeen sawirro inta socodka ay ku jireen.

Sidoo kale, si munaasabadan ay usoo jiidato warbaahinta waxaa New York tagay wasiirrada xagjirka ah ee Israa’iil , Bezalel Smotrich iyo Amichai Eliyahu oo hore ugu baaqay in Qasa lagu duqeeyo bam nukliyeer ah iyo wasiir Yitzhak Wasserlauf, oo hore ugu baaqay in askartu carruurta Falastiiniyiinta ku garaacaan dhagaxyada, wasiirro kale iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Israa’iil.