Monday, November 2, 2026

Xuutiyiinta Oo ka Hadlay Duqayn Isbahaysiga Sacuudiga Geystay Maanta

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Kooxda Ansaarullaah ee Xuutiyiinta Yemen waxay maanta oo Isniin ah sheegeen inay 7 qof ku dhaawacantay Duqeymo ay Diyaaradaha Dagaalka Sacuudiga la beegsadeen Dekedda Ras Issa port oo dacasha ku haysa Badda Cas.

Duqeyn kale, waxaa lala beegsaday Xarun Shidaal oo ku taalla gobalka Hodeidah.

Telefishinka Xuutiyiinta ee Al-Masirah TV waxa uu Waaberigii hore ee maanta sheegay inay Diyaaradaha Dagaalka Isbahaysiga Sacuudiga duqeeyeen Markab Ganacsi oo taagnaa Dekedda Ras Issa Port.