Thursday, November 19, 2026

Dowladda Imaaraadka Carabta Oo Cambaareysay Mowqifka Somaliya ay ku Eriday Safiirkeedii

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa cambaareysay mowqifka ay ku tilmaantay mid colaadeed oo ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay, iyadoo sheegtay in tallaabooyinkaasi ay dhaawacayaan xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa lagu sheegay in go’aannada saameynaya xiriirka labada dal ay tahay inay ku salaysnaadaan danaha wadajirka ah, lagana fogaado arrimaha siyaasadeed iyo khilaafaadka gudaha.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay inay ka xun tahay in dowladda Soomaaliya ay Imaaraadka ku dhex dartay khilaafaadkeeda gudaha ee la xiriira awoodda, iyadoo ka digtay in arrintaasi ay saameyn taban ku yeelan karto danaha labada shacab.

Imaaraadka ayaa sidoo kale xusay in bishii Janaayo 2026 uu xiray safaaraddiisa Muqdisho, isla markaana uu dib ula baxay dhammaan shaqaalihiisii diblomaasiyadeed, kadib markii ay soo baxeen waxa uu ku tilmaamay tallaabooyin colaadeed oo dowladda Soomaaliya ku qaaday safaaradda iyo siyaasaddiisa, oo ay ka mid ahaayeen go’aannadii lagu baabi’iyay heshiisyadii labada dal.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa caddeysay inay weli qadarin weyn u hayso shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ku faanayso xiriirka ka dhexeeya labada shacab, gaar ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Imaaraadka iyo kuwa booqda dalkaas. Waxay sheegtay inay ka go’an tahay ilaalinta xiriirkaas iyo xoojinta danaha ay wadaagaan labada shacab.