Thursday, November 19, 2026

Taiwan Oo Sheegtay in Diyaarado Milatariga Ruushka kusoo Xad-gudbeen Difaaca Hawadeeda

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasaaradda Difaaca Taiwan waxay sheegtay in laba diyaaradood oo milatari oo nooca Tu-95 ah oo Ruushku leeyahay ay maanta galeen aagga difaaca hawada ee Taiwan.

Bayaan ay wasaaraddu ku baahisay barta X ayay ku sheegtay in diyaaradahaasi ay koonfurta ka soo galeen aagga aqoonsiga difaaca hawada ee Taiwan (ADIZ), ayna dul mareen bariga jasiiradda, kaddibna ay ka baxeen aagga dhanka waqooyi-bari ee magaalada Keelung.

Milatariga Taiwan ayaa sheegay inay la socdeen dhaqdhaqaaqa diyaaradaha, isla markaana ay qaadeen tallaabooyinkii ku habboonaa.

Dhacdadan ayaa timid maalin kaddib markii Japan ay sheegtay inay hawada gelisay diyaaradaha dagaalka, isla markaana ay si adag uga cabatay dhacdo Talaadadii dhacday, taas oo laba diyaaradood oo looga shakisan yahay inay Ruushku leeyihiin lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen hawadeeda.

Kuuriyada Koonfureed ayaa iyaduna hawada gelisay diyaaradaha dagaalka, halka Taiwan ay sheegtay inay tallaabo qaaday kaddib markii ay diyaaradaha milatariga Ruushka ku aragtay aagagga ay u isticmaasho la socodka difaaca hawadeeda.

Aagagga ADIZ ma aha xuduudo rasmi ah oo hawada dalalka ka tirsan. Waa goobo amni oo ku fidsan meel ka baxsan hawada qaran, kuwaas oo dowladuhu kula socdaan kuna aqoonsadaan diyaaradaha ku soo dhowaanaya.

Ilaa hadda, Moscow wax war ah kama soo saarin dhacdadan.