Thursday, November 19, 2026

Qodobada ugu Muhiimsan Ee ka soo Baxay Kulanka Amniga Somaliya Ee Brussels.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay aragtideeda iyo qorshayaasheeda ku aaddan mas’uuliyadda amniga dalka iyo qaabka loo wajahayo kala-guurka amniga.
– Mustaqbalka AUSSOM: Waxaa laga hadlay diyaar-garowga cusboonaysiinta howlgalka AUSSOM ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay bisha December 2026.
– Isku-duwidda taageerada caalamiga ah: Dalalka iyo hay’adaha taageera Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii loo mideyn lahaa dadaallada iyo taageerada amniga dalka.
-Wadatashiyada siyaasadeed iyo farsamo: Waxaa la isku raacay in la sii wado wadatashiyada si loo gaaro is-afgarad ku saabsan qorshaha amniga Soomaaliya.
-Heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay: Waxaa la xusay muhiimadda xal siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo saldhig u noqon kara nidaam amni oo waara.
-Amniga oo ay Soomaalidu hoggaaminayso: Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay taageerada uu u hayo qorshe kala-guur amni oo ay Soomaaliya leedahay, isla markaana ay Soomaalidu hoggaaminayso.
-Muhiimadda kulanka: Wuxuu ahaa madal ay Soomaaliya kula wadaagtay saaxiibada caalamiga ah qorshaha mustaqbalka amniga dalka.