Thursday, November 19, 2026

Dowlada Somalia & Dowlad Goboleedyada Oo Isku Raacay In Waqooyibari Iyo G/Banadir Lagu Daro

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirrada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (DXDFS) iyo Maamulka Gobolka Banaadir (MGB) ayaa maanta oo Khamiis ah, 19-ka Nofeembar 2026, magaalada Muqdisho—gaar ahaan Hotel LANA—kaga soo saaray war-murtiyeedka kulankoodii 25aad oo socday 18–19-ka Nofeembar 2026. Kulanka oo uu si rasmi ah u furay islamarkaana shir-guddoomiyay Wasiirka Maaliyadda DFS, Xildhibaan Biixi Iimaan Cige, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirrada maaliyadda dowlad-goboleedyada, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiye-ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, xubno ka tirsan Guddiga Farsamada (IGFF-TC), isku-duwaha mashruuca RCRF iyo Xoghaynta Guud ee IGFF.

Madashu waxa ay diiradda ku saartay xoojinta iskaashiga joogtada ah ee labada heer wasaaradeed, kobcinta nidaamyada maaliyadeed, sare u qaadidda dadaallada wada-shaqeynta, iyo hirgelinta heshiisyadii hore iyo arrimaha hortabinta u leh federaaleynta maaliyadeed ee dalka. Sidoo kale, kulanku waxa uu mar kale adkeeyay mowqifkiisa ku aaddan xaqiijinta midnimada dalka iyo dhisidda kalsooni iyo is-qancin ku dhisan isla-xisaabtan.

Qodobada muhiimka ah ee kulanka laga dooday lagana gaaray go’aannada waxaa ka mid ahaa natiijooyinka qiimeyntii 4aad ee DXDF/BRA ee xadaysa qoondada kabka miisaaniyadda dalka, kuwaas oo la hubiyay lana ansixiyay. Waxaa sidoo kale laga dooday qabyo-qoraalka heshiiska hirgelinta canshuurta gadista mideysan ee heer DXDF/MGB, iyadoo la isku raacay inuu dhaqangalo 1-da Janaayo 2027, kadib marka la dhammaystiro hawsha farsamo ee harsan.

Dhanka kale, kulanka waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan siyaasad nidaaminaysa habka shaqo ee guddiga federaaleynta maaliyadda dalka si loo gudbiyo Golaha Wasiirrada, iyo warbixin dib-u-eegis ah oo ku aaddan waxqabadka Guddiga Farsamada (IGFF-TC) iyo Madasha Wasiirrada Maaliyadda (FMFF) ee tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo la soo jeediyay in la sameeyo dib-u-eegis madax bannaan.

Waxaa intaa dheer in go’aan mabda’iyan ah laga gaaray qoondada kabka miisaaniyadda dowlad-goboleedyada ee mashruuca RCRF ee sanadka 2027, iyadoo la isku raacay in marka hore dowlad-goboleedyadu muhiimad siiyaan hagaajinta iyo kordhinta dakhliga gudaha, si siman loo wadaago qoondada 2027, lana xaqiijiyo shuruudaha isticmaalkeeda, halka haraaga qoondada—haddii ay dowlad goboleed buuxin waydo shuruudaha—dib loogu qaybin doono si siman. Sidoo kale, waxaa la isku raacay in Dowlad-goboleedda Waqooyi Bari (WBS) iyo Maamulka Gobolka Banaadir (BRA) si degdeg ah loogu sameeyo qiimeyn diyaarsanaanta (readiness assessment) iyadoo lala kaashanayo Bangiga Adduunka si loo qiimeeyo buuxinta shuruudaha qaybgalka mashaariicda horumarineed.


Ugu dambayn, madashu waxa ay bogaadisay dadaallada dhaqan-galinta xeerka caalamiga ah ee xisaabaadka dowladda (IPSAS) ee uu hormuudka ka yahay Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladdu, iyadoo ku dhiirrigelisay dhammaystirka geedi-socodkiisa. War-murtiyeedka waxaa si wada jir ah u saxiixay Wasiirka Maaliyadda DFS Xildh. Biixi Iimaan Cige iyo madaxda maaliyadda ee DXDFS iyo Gobolka Banaadir.