Booliiska Somaliland Oo War kasoo Saaray Qarax Miino Oo Caawa ka Dhacay Hargeysa.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

WAR-SAXAAFADEED
Caawa abbaaro 7:00 fiidnimo waxa bambo-gacmeed ku qaraxday goob ay fadhiyeen laba askari oo ka tirsan Ciidanka Milatariga Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo sababtay dhaawaca labada askari iyo laba qof oo shacab ah oo ku sugnaa goobta. Dhammaan dadka dhaawacmay waxa loo gudbiyey Cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa.

Bambo-gacmeedka ayaa dhulka kaga dhacay mid ka mid ah askarta dhaawacantay, mana jirto wax ujeeddo ah oo loo tuuray bambo-gacmeedka, waxaana socda baadhitaan dheeraad ah.

Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si cad u beeninayaa wararka marin-habaabinta ah ee lagu baahiyey baraha bulshada ee sheegaya in qarax ka dhacay magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu bulshada uga digayaa faafinta wararka aan la hubin ee dhaawici kara amniga iyo xasilloonida dalka