Akhriso Shan Qodob Oo Dagaalka Itoobiya ka Badalay Dagaaladii Hore Uga Dhici-jiray

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dagaalka ka socda Waqooyiga Ethiopia ayaa noqday mid ka duwan dagaalkii hore ee gobolkan uga dhacay ee dhex maray jabhadda xoraynta Tigreega ee TPLF iyo ciidanka Federaalka Ethiopia. Ciidamada federaalka Ethiopia markiiba u muuqda in ay ku gacan sarreeyaan dagaalka.

Arrimaha ugu waaweyn ee horseeday in dagaalkani uu ka duwanaado kii hore waxa ka mid.

1: TPLF oo laba u kala qaybsantay kuwaas oo qaarkood ay hadda la socdaan ciidanka Ethiopia halka qaar kalena ay ka soo hor jeedaan. Koox uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee deeganka Tigree Getachow Reda iyo saraakiil kale ayaa si toos ah u taageersan ciidanka dawladda waana kuwa sababta u ahaa in laga guulaysto TPLF.

2: Ethiopia oo dagaalka ku soo gashay diyaaraddo Drone ah oo markii hore aanay haysan oo ay samaystay sannadkii la soo dhaafay.

3; Abiy Axmed oo xukunka ku xidadaystay ayaa sidoo kale ka qayb qaadatay in ay sannadkan daciifto awoodda TPLF

4 : Bulshada Tigrayga oo kula qayb-san dagaalka, iyadoo ay jiraan kooxo hubaysan oo taabacsan ciidamada federaalka kuwaas oo horseeday in dhul ballaadhan markiiba ay la wareegeen ciidamada federaalku.

5 Jabhada kala duwan ee dhawaan midoobay oo weli kala shakisan oo aan dagaalka si siman u galin.

Hadda ciidamada dawladda waxa ay inyar u jiraan magaalada caasimadda Tigrayga ee Mekelle.