Ciidamada Itoobiya Oo la Wareegay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Mekelle.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada milatariga Itoobiya ayaa la wareegay Garoonka Diyaaradaha ee Alula Aba Nega ee magaalada Mekelle.

Hadda korontada ayaa ka maqan magaalada Mekelle, waxaana la sheegay in ciidamada TPLF ay iskaga baxeen gudaha magaalada.

Ciidamada milatariga ayaa gaadhay Xaafadaha kore ee magaalada Mekelle gaar ahaan dhinaca bari iyaga on waliga gudaha ugalin xaafadaha hoose.

Dhanka kale, TPLF ayaa dagaal culus ku qaaday ciidamadii dowladda ee qabsaday Korem, iyadoo la sheegay inay guul ka gaareen dagaalkaas.

Dhinaca kale, ciidamadii dowladda ee ka soo baxay Samre ayaa la kulmay iska caabin xooggan, mana aysan sameyn wax horumar ah ilaa hadda.

Ciidamada TPLF ee ka baxay Mekelle ayaa u jihaystay dhanka Adigrat.