Galmudug oo Qabatay Doon si Sharci-darro ku soo Gashay Biyaha Galmudug

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo ilaalin badeed ka fulisay biyaha Galmudug.

Hawlgalka waxaa lagu qabtay doon AIS-keedu dansanaa, waxaana saarnaa 7 qof oo ajnabi ah oo haatan baaritaan lagu hayo.

Hay’adaha amniga ayaa baaraya aqoonsiga doonta, dalka ay ka diiwaangashan tahay, ujeeddada safarkeeda iyo sababta loo damiyay AIS-ka.

Baaritaanka ayaa weli socda, waxaana la sheegay in xog dheeraad ah laga soo saari doono marka la xaqiijiyo.