Wasiirka Xannaanada Xoolaha Oo Rasaas Lagu Furay Xilli uu la Hadlayay Bulshada Deedaankiisa Laas-Geel.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Cumar Shucayb Maxamed ayaa rasaas lagu riday xilli uu khudbad ka jeedinayay goobta dalxiiska ee Laas-Geel, halkaas oo ay yaallaan astaamo iyo farshaxanno qadiimi ah.

Dadka deegaanka ayaa ka cadhooday mashruuc laga fulinayay goobta dalxiiska kaas oo la sheegay inuu madmadow ka galay, isla markaana ay saluugsanaayeen qaabka loo maamulay.

Mashruucan ayaa la sheegay in maalgelintiisa ay bixisay hay’adda Expertise France, halka maamulka iyo fulintiisana ay qayb ka ahayd Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cumar Shucayb Maxamed ayaa goobta u tegay sidii uu dadka deegaanka ugu qancin lahaa mashruuca, balse markii uu hadalka bilaabay, kaddib markii xafladda lagu soo dhaweeyay, ayaa rag ka mid ah dadka deegaanka ay buurta ka soo fuuleen, rasa’asna ooda kaga qaadeen.