Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa caddeysay inay mamnuucday in bukaannada xaaladahooda caafimaad wax lagaga qaban karo gudaha dalka loo abaabulo ama loo diro waddamada dibadda iyadoo laga leeyahay dano dhaqaale ama ganacsi.
Gudbinta bukaannada dibaddu waa inay ku salaysnaataa qiimayn caafimaad oo lagu xaqiijiyey inaan adeegga bukaanku u baahan yahay laga heli karin gudaha dalka, isla markaana ay ansixiso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo kaliya.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku waxay bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqaysaa inay ku kalsoonaadaan adeegyada caafimaadka ee dalka, isla markaana ay ka taxaddaraan shakhsiyaadka iyo goobaha dano gaar ah ka leh u dirista bukaannada waddamada dibadda Cid kasta oo ku xadgudubta amarkan.
Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Go’aan Ka soo saartay Shirkad dhawaan la Furay Oo Bukaanada u adeegaysay, waxayna wasaaraddu ka qaadi doontaa tallaabo waafaqsan shuruucda dalka, iyadoo la kaashanaysa hay adaha ay khusayso.

