Saturday, November 28, 2026

Madaxweyne Xasan Oo Booqday Gogosha Tacsida Madaxweynihii hore Hirshabeelle Cosoble.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqday gogosha tacsida Madaxweynihii ugu horreeyay ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle, Marxuum Cali Cabdullaahi Cosoble, oo dhawaan geeriyooday.

Madaxweynaha ayaa intii uu booqashada ku jiray la kulmay qoyskiisa iyo eheladiisa, isaga oo la wadaagay dhambaal tacsi ah, una muujiyay garab istaaggiisa geerida ku timid marxuumka. Waxa uu sidoo kale saxiixay buugga tacsida, isaga oo xusay kaalintii uu marxuumku ku lahaa adeegga bulshada iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryay Marxuum Cali Cabdullaahi Cosoble inuu naxariistiisa Jannatul Firdows ka waraabiyo, dembigiisana dhaafo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa taariikhda ku galay inuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee HirShabeelle, kaddib markii loo doortay hoggaanka maamulka bishii Oktoobar 2016, xilli la dhisayay hay’adaha dowlad-goboleedka cusub.

Marxuumka ayaa sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Waxbarashada iyo xubin ka tirsan Baarlamaanka Federaalka. Geeridiisa ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madaxda dowladda federaalka, hoggaanka dowlad-goboleedyada iyo siyaasiyiin kale oo Soomaaliyeed.