Xeer-ilaalinta guud ee Turkiga ayaa baaritaan ku furtay siyaasiga Ahmet Davutoğlu, iyadoo lagu eedeeyay aflagaaddo iyo inuu eedeymo u jeediyay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.
Ahmet Davutoğlu, ayaa baraha bulshada lagu faafiyay isagoo si adag u dhaleeceynaya Erdogan.
Wuxuu yiri; “Erdogan iyo dawladdiisu waxay xadeen Turkiga, waxayna hantidii dalka ka dhigeen mid ay iyagu si gaar ah uga faa’iideystaan.Waxay qaateen lacag xaaraan ah, waxayna qaraabadooda ka dhigeen dad taajir ah.”
Wuxuu intaa ku daray;“Erdogan wuxuu wiil uu soddog u yahay ka dhigay wasiir, wuxuuna taajir ka dhigay qaar ka mid ah qaraabadiisa.”
Davutoğlu wuxuu sidoo kale ku celiyay hadal uu horey u sheegay Kemal Kılıçdaroğlu, kaas oo ahaa in Erdogan uu Turkey ku wareejiyay shan shirkadood.
Muxuu yahay Ahmet Davutoğlu?
Ahmet Davutoğlu , wuxuu muddo ka badan toban sanno ahaa saaxiibka ugu dhow Erdogan, mar waxaa jirtay loo arkayay Davutoğlu inuu yahay maskaxda ka dambeysa horumarka siyaasadeed ee Erdogan.
Davutoğlu wuxuu markii hore ahaa la-taliyaha Erdoğan, markii dambe wuxuu noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda 2009, kadibna Ra’iisul Wasaaraha 2014–2016.Wuxuu sidoo kale noqday hoggaamiyaha iyo wejiyadii ugu muhiimsanaa ee xisbiga AKP.
Diiwaanka Ahmet Davutoğlu, waxaa ku jirta inuu yahay maskaxdii ka dambeysay horumarka diblomaasiyadeed ee Turkiga, dad badan waxay ku sheegaan inuu ahaa qofkii hindisay Turkiga inuu dunidda isku ballaariyo, taasoo ay qayb ka tahay saameynta uu hadda Turkiga ku leeyahay Soomaaliya iyo goobaha loo arko inay istaraatiji u yihiin saameynta diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Turkiga.
Goormay kala boodeen isaga iyo Erdogan?
Markii Erdogan noqday madaxweyne 2014, Davutoğlu ayaa noqday ra’iisul wasaare iyo hoggaamiyaha xisbiga AKP.
Erdogan wuxuu filayay inuu noqdo ra’iisul wasaare si weyn ula jaanqaada madaxtooyada, laakiin Davutoğlu wuxuu isku dayay inuu yeesho miisaan siyaasadeed oo u gaar ah. Taasi waxaa loo arkayay bilowday khilaafka labada nin.
Dadka ku dhow Ahmet Davutoğlu, waxay ku sheegeen waxyaabaha ay isku khilaafeen Erdogan inay qayb ka tahay Davutoğlu inuu ka soo horjeestay awoodda ku aruursan Erdogan iyo siyaasadda ku dhisan xukunka aan laga degin ee Erdogan uu ku doonayo inuu ku maamullo Turkiga.
