Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa hadda shaaca ka qaaday in Mareykanka iyo Iiraan ay isku raaceen qoraalka ugu dambeeya ee heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka.
Wuxuu intaas ku daray in heshiiska uu hadda marayo marxaladihii ugu dambeeyay ee lagu dhameystirayo.
Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa waxyar ka hor sheegay is afgaradka lagu joojinayo dagaalka u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan inuu marayo heer gabagabo ah , isagoo warbaahinta uga digay inay baahiyaan faallooyin iyo saadaal ku saabsan waxyaabaha lagu heshiinayo illaa si rasmi ah loo baahiyo.
Madaxwayne Trump ayaa hada la wadaagay [Share] hadalladii Wasiirrka Arrimaha-dibedda Iiraa, oo bilo ka hor u ahaa bartilmaameed.

