Iran Oo Shiinaha iyo Ruushka Uga Warbixisay Heshiiska ay la Galayso Maraykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegay in uu la kulmay safiirada Shiinaha iyo Ruushka u jooga Tehran oo uu kala hadlay wadahadalka Iran iyo Mareykanka.

Kazem Gharibabadi ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay X waxa uu ku yiri, “Kulankan intii uu socday, waxa lagaga wada hadlay oo la is waydaarsaday horumarradii ugu dambeeyay ee la xiriira qabyo qoraalka Islamabad”.

Pakistan oo dhexdhexaadin ka ah xabad joojinta Iran iyo Mareykanka iyo saxiixa suurtagalnimada isfaham dhexmara labada dal ayaa ku dhawaaqday in heshiiskan ay u badan tahay in la dhameystiro maalmaha iyo habeenada soo socda.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Iran ayaa yiri: “Iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Iran, Shiinaha iyo Ruushka iyo isku xirka iyo isdhexgalka saddexda dal wuxuu ku sii socon doonaa si xoog leh.”

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araghchi ayaa xalay u sheegay telefiishanka Iran in Tehran ay si joogto ah ugala tashanayso Shiinaha xaaladda marin biyoodka Hormuz iyo habka cusub ee loo maareynayo.