Wafdi Wasiiro ah Oo Hordhac u ah Safarka Madaxwayne Ciro Oo ka Degay Magaalada Tel Aviv ee Dalka Israel.
Wafti ballaadhan oo uu hoggaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal ayaa ka degay magaalada Tel Aviv ee dalka Israel.
Waftiga ayaa waxaa kamid ah;
1- Wasiirka Madaxtooyada
2- Wasiirka Macdanta
3- Wasiirka Biyaha
4- Guddoomiyaha Baanka
5- La-taliyaha Arrimaha Dibedda Madaxweynaha JSL
Maalinta berri ah ayaa la filayaa in Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro uu ka dego dalka Israel, halkaasi oo booqasho heerkeedu sarreeyo ay uga bilaabmi doonto maalinta berri ah, isagoo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda dalkaasi.
Calanka Somaliland ayaa la sudhay inta badan waddooyinka waaweyn ee magaalooyinka Israel gaar ahaan goobaha ay booqanayaan madaxda Somaliland.
