Imaaraadka iyo Qatar Oo la Sheegay Inay Iiraan Siiyeen Lacag ku dhow 30 Bilyan oo doollar si aysan usoo Weerarrin.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Weerarradii u dambeeyay ee Iiraan ay kaga jawaabtay duqeymihii Mareykanka, waxaa la arkay Iiraan oo aan weerarrin Imaaraadka Carab iyo Qatar oo ka mid ahaa goobaha ay ku cadaadin jirtay Mareykanka, taa beddelkeeda weerarradii u dambeeyay ee Iiraan waxay ka dhaceen Kuwait , Baxrayn iyo Jordan.

Laakin maxaysan Iiraan u weerarrin Imaaraadka ama Qatar ?

Labadan dal; Imaaraadka iyo Qatar waxay Iiraan siiyeen lacag ku dhow 30 bilyan oo doollar si aysan Iiraan usoo weerarrin dhulkooda, halka ay dhaqaale intaa ka badan ballanqaadeen inay bixinayaan haddii Iiraan oggolaato in dagaalka la soo afjaro oo ay heshiis la gaarto Mareykanka.

Imaaraadka , wuxuu bixinayaa $20 bilyan, oo $3 bilyan oo ka mid ah mar horaba uu gaarsiiyay Iiraan, taa beddelkeedana wuxuu Iiraan waydistay inay joojiso weerarrada ay ku soo qaadayso , isla markaana xiisadda la dejiyo, sida ay sheegtay Reuters.

Qatar ayaa sidoo kale bixinaysa $12 bilyan oo doollar oo $6 bilyan oo ka mid ah ay tahay lacagta horey looga xannibay Iiraan iyo $6 bilyan oo ay ku bixinayso soo kabashada khasaaraha dagaalka ka soo gaaray Iiraan oo dib u dhiska uu ka mid yahay , iyadoo lacagtan ay ku beddelayso Dooxo, si weerarrada looga joojiyo , loona gaaro heshiis dagaalka lagu soo afjarayo, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Mehr.

Screenshot

Screenshot