Iran Oo Weerar Aargoosi ah ku Qaaday Saldhigyada Ciidanka Mareykanka Ee Bariga Dhexe

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ayaa mar kale sii xoogeysatay, kadib markii Iiraan ay sheegtay inay fulisay weerarro aargudasho ah oo lagu beegsaday bartilmaameedyo ay ku tilmaamtay inay xiriir la leeyihiin ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Tallaabadan ayaa timid kadib weerarro xalay Mareykanku ku qaaday xarumo ciidan oo ku yaalla gudaha Iiraan.

War ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa lagu sheegay in weerarradu ay ahaayeen “jawaab isdifaac ah” oo looga falcelinayay duqeymihii Mareykanka, kuwaas o Tehran ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah heshiiskii xabbad-joojinta iyo xeerarka caalamiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Iiraan ma aysan shaacin goobaha saxda ah ee ay sheegtay inay beegsatay.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Baxreyn ayaa xaqiijisay in diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo laga leeyahay Iiraan ay gudaha dalkaas ku weerareen bartilmaameedyo, iyadoo dowladda Baxreyn ay cambaareysay weerarka kuna tilmaantay mid khatar ku ah madax-bannaanida iyo amniga dalka. Baxreyn ayaa sidoo kale sheegtay inay xaq u leedahay inay qaaddo tallaabo kasta oo ay isku difaaceyso.

Baxreyn ayaa ah dal muhiim u ah istaraatiijiyadda Mareykanka ee Khaliijka, maadaama uu ku yaallo saldhigga Ciidanka Badda ee Mareykanka ee Fifth Fleet, taas oo ka dhigaysa bartilmaameed xasaasi ah marka xiisadda gobolka ay cirka isku shareerto.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa sidoo kale sheegtay in isla maanta markab shidaal oo marayay marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Strait of Hormuz uu ku dhacay walax qaraxday, taasoo sababtay burbur kooban, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare naf ah oo ka dhashay. Dhacdadan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo ammaanka maraakiibta ganacsiga ee marinkaasi oo ah halbowlaha dhoofinta shidaalka caalamka.

Weerarradan ayaa yimid kadib markii Mareykanku uu sheegay inuu duqeeyay xarumo lagu kaydiyo gantaallada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo xarumo raadaar oo ku yaalla koonfurta Iiraan. Washington waxay ku dooday in duqeymahaasi ay jawaab u ahaayeen weerarro ay shalay Iiraan ku qaaday maraakiibta ganacsiga..

Ilaa hadda, dowladda Mareykanka si rasmi ah ugama aysan jawaabin sheegashada Iiraan ee ah inay beegsatay bartilmaameedyo la xiriira ciidamada Mareykanka, hase yeeshee mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa hore uga digay in weerar kasta oo cusub oo lagu qaado ciidamadooda ama xulafadooda uu la kulmi doono jawaab militari oo xooggan.

Dhacdooyinkan ayaa muujinaya in heshiiskii xabbad-joojinta ee la gaaray uu wajahayo caqabado waaweyn, iyadoo labada dhinac ay midba midka kale ku eedeynayaan inuu jebiyay heshiiska, arrintaas oo sii kordhinaysa walaaca laga qabo in colaadda ay mar kale ku faafto guud ahaan gobolka Bariga Dhexe