Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta qaaday weerar ballaaran oo ay u adeegsadeen gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn, iyagoo beegsaday saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin ciidamada dawladda Yemen ee uu taageero Sacuudiga.
Weerarradan oo ka dhacay gobollada Ma’rib iyo Xadramowt ee Yemen , ayaa sababay dhimashada in ka badan 40 askari iyo saraakiil.
Weerarkan ayaa noqonaya mid ka mid ah weerarradii ugu waaweynaa ee ay Xuutiyiintu muddooyinkan ku qaadaan ciidamada dawladda Yemen, waxaana uu dib u soo nooleynayaa xiisaddii iyo iska horimaadyadii u dhexeeyay Xuutiyiinta iyo ciidamada Yemen ee ay taageeraan dalalka isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga.
